War-saxaafadeed ka soo baxay Ku-simaha Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Mark C. Toner ayaa lagu sheegay inay Ummadda Soomaaliyeed u hambalyeynayaan guusha Doorashadda Madaxtinimadda JFS.
Qoraalka waxaa kaloo lagu xusay inay u hambalyeynayaan Maxamed C/llaahi Farmaajo oo loo doortay Madaxweynaha soo socda ee DFS, isla markaana ay Dowladda Maraykanka ballan qaadayso inay diyaar u tahay inay si dhow ula shaqeeyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Dowladiisa Cusub.
Sidoo kale, Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay ka war dhowrayaan dhismaha Dowladda cusub iyo inay kala shaqeeyaan Horumarinta Dib-u-heshiisiinta, Gargaarka Abaaraha, Ammaanka, Dhismaha Hay’addo xooggan, Dowlad-wanaag iyo Horumarinta Dadka Soomaaliyeed.
War-saxaafadeedka ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka waxaa kaloo loogu hambalyeeyey Ciiddanka Ammaanka ee Somalia iyo kuwa AMISOM dadaalkooda ku aadanaa inay Doorashaddu u dhacdo si ammaan leh.
©Radio Dalsan