Ciidammada nabad ilaalinta Midawga Afrika ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in labo weerar oo kala duwan oo ay qaadeen ay ku dileen siddeed xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, kuwaas oo uu ka mid yahay taliye sare, sida ay Amisom sheegtay.
Amisom ayaa sheegtay in ay weerararadaas ka fulisay Shabeellaha Hoose.
Taliyaha Al Shabaab ee ay dileen ayay ku sheegeen in uu u qaabilsanaa canshuur aruurinta gobolka Shabeelaha Dhexe.
Masuulkaas ayaa Isniintii la dilay isaga oo ka qaybqaadanaya kulan uu ururku ku lahaa Bariire sida ay Amisom ku shaacisay barteeda Twitterka.
In two separate incidents in Lower Shabelle region, #AMISOM troops have killed more than eight #AlShabaab fighters, including a top commander.
— AMISOM (@amisomsomalia) October 25, 2018
Xigasho BBC