Shirkii 22-aad ee Guddiga Isku-xirka Hawlaha Milliteri ee AMISOM (The Military Operations Coordination Committee (MOCC) ayaa shalay lagu qabtay caasimadda dalka Ethiopia ee Addis, kaasi oo looga hadlay Xaalladda Ammaanka ee Somalia iyo Baahida Ciiddan ee AMISOM.
Waxay kaloo isla soo qaadeen in sida ugu dhaqsaha badan loo helo ilaa 4,000 oo Ciiddan dheeraad, waxayna ugu baaqeen QM iyo Beesha Caalamka inay taageero ka geystaan sidii loo heli lahaa Ciiddankaasi kaabi doona Hawlgalka AMISOM.
Guddiga Isku-xirka Hawlaha Milliteri ee AMISOM (MOCC) waxay kaloo ugu ben Ururka Midowga Afrika inay yeeshaan Kulan Qorsheed ay Dowladda Ethiopia marti gelinayso ka hor isbuuca koowaad ee bisha soo socota ee February.
Kulankaasi ayaa lagu soo gebagebeyn doonaan Qorshaha Hawlgalka ee lagu ballaarinayo Hawlgalladda Weerarka ee Ciiddanka AMISOM.
Dhinaca kale, Guddiga Isku-xirka Hawlaha Milliteri ee AMISOM (MOCC) waxay kaloo ku baaqeen in Dowladaha ku soo biirainayo Ciiddanka Hawlgalka AMISOM inay wada saxiixaan Heshiiska Is-afgaradka “The Memorandum of Understanding” ee u dhexeeya Midowga Afrika iyo TCC.
Waxay kaloo ugu baaqeen QM, Midowga Afrika iyo Beesha Caaalamka inay sii wadaan taageeradda lagu dhiiri-gelinayo Hawlgalka AMISOM.
©Radio Dalsan