Madaxweynaha cusub ee dalka Maraykanka, Donald Trump ayaa la filayaa inuu maanta oo Arbaco ah saxiixo Fulin Amar oo si KMG loogu xayirayo inta badan Qaxootiga shisheeyaaha ee magangelyada qaxootinimadda ka hela Maraykanka.
Donald Trump waxa kale oo uu soo saarayaa Amar kale oo Fiidaha looga joojinayo qof kasta oo ka imaanaya dalalka Somalia, Sudan, Syria, Libya, Iraq iyo Iran.
Dhowr Gacan-yarayaal u ah xubno ka tirsan Kongareeska Maraykanka iyo Khubarada Waaxda Socdaal ayaa xog ahaan arrintan ugu soo dusiyey Wakaalladaha Wararka Caalamka.
Madaxweyne Donald Trump waxa uu xalay Bartiisa Twitter-ka soo dhigay in maalin weyn loo qorsheeyey Ammaanka Qaranka iyo Dhismaha Derbiga.
Wuxuuna sheegay inuu rajeynayo inuu amro xayiraad socon doonta muddo dhowr bilood lagu soo rogayo Qaxootiga imaanayo dalka Maraykanka, marka laga reebo Shaqsiyaadka looga tiro badan yahay dhinca Diinta ee ka soo cararayo cadaadiska iyo inay dadka Deegaanka caddowtooyo u muujiyaan.
Waxaa suurtogal ah in Amarka Trump ee Arrimaha Qaxootiga dib u dhigto ilaa isbuuca soo socda, sida laga soo xigtay dad ku dhow Xafiiskiisa.
Madaxweyne Trump waxa uu doonayaa inuu Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ku jiheeyo sidii loo joojin lahaa Fiisooyinka la siinayo dad ka kala imaanaya dalalka Somalia, Sudan, Syria, Libya, Iraq iyo Iran.
Waxa kale oo Donald Trump doonayaa inuu baro Saraakiisha Canshuuraha iyo Ilaalinta Xuduudaha inay joojiyaan Muwaadiniinta dalalkaasi ee la siiyey Fiisooyinka si ay ugu soo galaan Maraykanka.
Dhinaca kale, Donald Trump waxa kale oo la filaya inuu culayska saari Dhismaha Derbiga ee laga dhisayo Xuduudka Maraykanka la leeyihiin dalka Mexico iyo Tallaabooyin kale oo lagu yareynayo Tirada Qaxootiga sharci-darradda ugu nool gudaha Maraykanka.
©Radio Dalsan