Taliye-xigeenka Hawlgalka AMISOM ugu qaabilsan Taageeradda iyo Loojistikadda, Sarreeye Gaas Nakibus Lakara ayaa Baaqaasi ka jeediyey Xiritaanka Seminaar Askarta AMISOM iyo Boliska Somalia looga wacyi gelinayey Khataraha Miinooyinka IEDs iyo qaababka looga horetgi karo.Tababaarkaasi oo soday muddo 3 aalood waxaa aalgeliyey Kooxda Taageeradda Hawlgalka Booqrtooyada Britain ee loo yaqaano UK MST.
Sarreeye Gaas Nakibus Lakara waxa uu tilmaamay inay Alshabaab aad u isticmaalaan Miinooyinka dhulka lagu aaso ee IEDs isla markaana ay samaysanayaan Miinooyin waa weyn oo qaarkood uu culayskoodu ka badan yahay 80 KG.
Waxa uu ku baaqay in la xoojiyo Hawlaha Sirddoonka ee u dheeeya AMISO iyo dhinacyada kale si looga guuleysto dhibaatooyinka ka dhalan kara Miinooyinkaas waa sida uu hadalka u yiri.
Ciiddanka Hawlgalka AMISOM waxay had iyo jeer Alshabaab kala kulmaan Qaraxyadda Miinooyinka ee ay ku aasaan hareeraha Waddooyinka ay Ciiddanka AMISOM sida joogtadda ah u isticmaalaan gaar ahaan Waddooyinka ku yaalla duleedka Magaalladda Muqdisho.
© Radio Dalsan