Madaweynaha dalka Zibabwe Robert Mugabe oo lagu tilmaam Madaxweynaha ugu da’da weyn Caalamka ayaa saakayto dib ugu laabtay dalkiisa, kadib markii in muddo ah lagu soo daaweynayey dalka Singabuur.
Maalihii la soo dhafaay waxaa la hadal hayey inuu aad u liito Caafimaadka Madaxweyne Mugabe oo 92 jir, waxaana walaac laga muujiyey maqnaashihiisa dheer.
Boliska Zimbabwe waxay Khamiistii hore kala eryeen Dibadbaxayaal ka soo horjeeday Madaxweynaha dalkaasi oo xilka hayey tan iyo sannadkii 1980-kii.
Madaxweyne Mugabe ayaa sheegay inuu isku soo sharxi doono Doorashadda dhici doonta sannadka 2018-ka.
© Radio Dalsan