Wargeyska The Daily Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa maanta qoray inay Dowladda Kenya ka codsatay Maraykanka sidii looga hortegi lahaa weerar ay Kooxda Daacish ka geystaan gudaha Kenya.
Tallabadan ayaa timid, kadib markii ay Sirdoonka heleen Warar Loo-qaateen ah oo sheegaya inay Daacish orsheynayaan weeraro.
Eedeysanaha Koowaad ee lala xiriirinayo Qorshahaasi ayaa ah Madaxa Kooxda Daacish ee Geeska Afrika, C/qaadir Muumin, kaasi oo ay Dowladda Maraykanka Arbacadii la soo dhaafay ku soo rogeen Cunaqabatayn, isla markaana lagu daray Liiska Argagixisada Caalamiga.
Sidoo kale, Dowladda Kenya waxay 4 maalmood ka hor gacanta kuy dhigeen Labo Arday oo baratay Cilmiga Daawada, oo lala xxiriirinayo inay ka tirsan yihiin Kooxda Daacishta Geeska Afrika
Labadaa Arday oo lagu kala magacaabo Maxamed Shukri Yarow iyo C/risaaq C/nuur ayaa la sheegay inay u shaqeynayeen Madaxa Kooxda Daacish ee Somalia, C/qaadir Muumin.
Raggaasi aayaa la sheegay inay qorsheynayeen inay u soo safraan Somalia, si ay ugu biiraan Maleeshiyadda Kooxda Daacish ee saldhigga ku leh Buuraha Galgala ee Puntland.
Bishii October ee sannadkii hore ayey ahayd markii C/qaadir Muumin iyo 20 Maleeshiy oo taageersanaa ka goosteen Alshabaab, kuna ddhawaaqeen inay daacad u yihiin Hoggaamiyaha Daacish, Sheekh Abu Bakar Albaqdaadi.
© Radio Dalsan