Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey Radio Dalsan inay Beesha Wacaysle qeybsadeen 4-ta xubnood ee ay saamiga uga heleen Labada Aqal ee Barlamaanka soo socda.
Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Wacaysle ayaa isku raacay inay Guddiga Doorashadda Dadban ee Dowlad-gobaleedka Galmudug u gudbiyeen Liiska Musharixiinta uga mid noqon doona Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka.
Beesha Wacaysle ayaa la sheegay inay isku raaceen in Jufada C/raxmaan Saleebaan qaataan Kursiga Beesha ku leedahay Aqalka Sare, halka Jufooyinka Macallim Dhiblaawe, Cali Gaaf iyo Absuge qeybsadeen 3-da xubin ee ay Beeshaa Wacayle ka heleen xubnaha Aqalka Hoose ee Barlamaanka.
Xubnaha Beesha Wacaysle ee ku tartamayo Kursiga Aqlka Sare ayaa kala ah: Samsam Daahir Maxamuud iyo Khaliif C/qaadir Macallim Nuur Siyaad.
Sidoo kale, Xubnaha Beesha Wacaysle ee u tartamayo 3-da Kursi ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda ayaa kala ah:-
- Xildhibaan Caddow Cali Gees
- Axmed-nuur Sheekh Yuusuf Guuleed
- Maxamed Ibrahim Cali “Maxamed Cajiib”
- Xildhibaan C/llaahi Cali Gadafeey
- Saadaq Macallim C/kariim
- C/llaahi Cali Xasan.
Musharixiinta ku loolamaysa xubnaha Beesha Wacaysle ka heleen Labada Aqal ee Barlamaanka soo socda ayaa waxay issugu jiraan Xildhibaano hore, Siyaasiyiin iyo Madax magac ku leh Hay’addaha ka shaqeeya Arrimaha Bulshadda.
©Radio Dalsan