Guddiga Federalka Doorashadda Dadban oo laalay doorashadii uu ku soo baxay Wasiir Nuux.

Guddiga Federalka Doorashadda Dadban waxay maanta soo saareen War-saxaafadeed ay kaga hadleen  Doorashadii shalay ka dhacday Jowhar ee la sheegay inuu ku soo baxay Wasiirka Dhallinyarada iyo Sport-ga ee XFS, Maxamed C/llaahi Nuux oo horey looga mamnuucay inuu dib u tartamo.

War-saxaafadeedk waxaa lagu muujiyey  in Guddiga oo tixraacaya warqaddii ay bishan December 7-dii 7-dii ee go’aanka looga gaaray Kursiga Beesha Jiidle.

War-saxaafadeedka ayaa tilmaamay inaysan Guddiga Dawlad-goboleedka Doorashooyinka Dadban ee Hirshabeelle sharciyad u laheyn in uu doorasho u qabto Musharax laga reebay tartanka.

Guddiga waxa uu mar labaad ku celiyay in dhammaan Musharaxiintii horey looga reebay tartanka aysan sinnaba uga qeybqaadan Karin hannaanka doorashooyinka dadban ee sanadkan 2016-ka, isagoo guddigu sheegay in uusan aqoonsan doonin natiijada kuraasta hannaanka lagu doortay aysan waafaqsanayn xeerka doorashooyinka.

Dhinaca kale, Guddiga Federalka Doorashadda Dadban waxay ugu baaqeen Wabarka Beesha Jiidle inuu soo xulo Ergo Doorasho cusub, maadaama uu isagu mas’uul ka yahay Kursiga Beesha jiidle ku leedahay Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda.

Halkan ka akhriso War-saxaafadeedka Guddiga Federalka Doorashadda Dadban ku laaleendoorashadii uu ku soo baxay Wasiir Nuux:

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor