Al-Shabaab oo xalay weeraray Saldhig Ciidamada Milateriga ku leyihiin Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Al-Shabaab oo xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday fariisin Ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Ceelka Geeloow oo ku yaalla inta u dhaxeysa degmada Balcad iyo tuulada Qalimoow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaal mudo kooban socday ayaa la sheegay in uu halkaasi ku dhexmaray Ciidamada dowladda iyo dagaalyahanadii Shabaab ee weerarka ku qaaday,welina macada khasaraha ka dhashay dagaalkaas.

Wararka aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in mudo kooban ay Al-Shabaab la wareegeen fariisinka ciidamada milateriga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Ceelka Geeloow ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waa markii labaad oo ay Al-Shabaab weeraraan barta koontorool ee Ceelka Geeloow,waxana weli dagaalkaas ka hadlin maamulka degmada Balcad iyo kan Hi-Shabeelle.

Wadada xiriirisa degmada Balcad iyo Magaalada Jowhar ayaa waxaa dhowr mar ka dhacay weeraro jidgal ah oo ay fuliyeen Al-Shabaab kaas oo inta badan lala eegtay Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media