Wararka naga soo gaaraya Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in xalay fiidkii halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii rag ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen farisin ciidamada Dowladda,kuwa Koonfur Galbeed iyo Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Dagaalka ayaa sida ay dadka deegaanka ku warrameen waxa uu socday in ka badan 30 daqiiqo balse aysan cadeyn Karin khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac dagaalkaas ka soo kala gaarey.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in ay Al-Shabaab soo weerareen balse ay iska difaaceen,isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen sida ay hadalka u dhigeyn.
Si kastaba dagaalkaas ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli habeen ka hor ay Al-Shabaab weerareen deegaanka Deeynuunaay ee Gobolka Baay,waxana saraaksiihu ay sheegeen in ay bilaabi doonaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.