Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Al-Shabaab saakay waaberigii ku qaadeen deegaanka deeynuunaay ee gobolka Baay,waxana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan.
Wariyeyaal ku sugan Magalada Baydhabo ayaa Radio Dalsan waxa ay u sheegeen in halkaasi uu ka dhacay agaal xooggan oo mudo saacado qaatay balse aysan garaneyn khasaaraha ka dhashay.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegeen in weerarkii saakay Al-Shabaab ku soo qaadeen ay iska difaaceen,isla markaana ay khasaaro gaar siiyeen.