Wararka aan ka heleyno duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaan ku yaalla halkaas saakay uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka Dowladda iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhiga Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Qalimoow ee duleedka Balcad, waxaana halkaas dagaal uu ku dhexmaray Shabaab iyo Ciidankii ku sugnaa.
Dad deegaanka ayaa kusoo soo waraya in arroornimadii hore ee saakay ay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayeen Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab, waxaana dagaalka ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
War qoraal ah oo lagu faahfiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ku sheegeen in weerar ay ku qaadeen Saldhiga Qalimoow, iyagoona tilmaamay in muddo kooban ay la wareegeen gacanta ku heynta Saldhiga.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa intaas kusii daray in weerarka ay ku dileen 13 Askari oo ka tirsan dowladda ayna kamid ahaayeen Saraakiil, isla markaana ay gacanta ku dhigeen saanado hub ah oo halkaas yaallay.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda oo ay uga hadllaayan weerarkii saakay lagu qaaday Saldhiga Ciidanka ee deegaanka Qalimoow ee duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.