Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sadik Xirsi Warfa ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ku qaabilay madaxa hay’adda UNODC ee bariga Afrika, Dr Amado Philip de Andres.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo caawin lahaa dadka nugul oo ay ka midyihiin dadka la kulmey tahriibka, kuwa ka soo laabtay, iyo tahriibayaasha iyadoo lagu caawinayo hab nololeedka waara.
Waxaa kalo inta uu kullanka socday lagu soo qaaday sidii iskaashi dhow looga yeelan lahaa dhinacyada shaqo abuurka, guryenta rasmiga ah taasi gacan ka geysan doonta ka hortagga maandoriyaasha, dambiyada, iyo tahriibka.