Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo waaberigii hore ee saakay deegaan ka tirsan Gobolka Mudug ku dhexmaray Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab.
Dagaalkaas ayaa ka yimd, kadib markii Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen Saldhig Ciidanka 21-aad iyo kuwa Maamulka Galmudug ay ku leeyihiin deegaanka Shabeeloow oo hoostega deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.
Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in dagaalka inta uu socday la isku adeegsaday hubka nooyacdiisa kala duwan, isla markaana uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.
War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha dhinaca Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in saakay ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhig ay leeyihiin Ciidanka xoogga dalka qeybta 21-aad iyo kuwa Galmudug, ayna la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Shabeeloow iyo Saldhiga ay Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.
Sidoo kale qoraalka Al-shabaab aya waxaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay 9 Askari oo ka tirsan Ciidanka Galmudug, sidoo kalena qarax miino nooca dhulka lagu aaso lala eegtay gaari nooca dagaalka oo ay la socdeen Ciidamo badan, kaasi oo kasoo baxay deegaanka Bacaadweyn, kuna socday deegaanka Shabeeloow.
Dhinaca kale ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidank Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo kuwa Galmudug oo ay uga hadlayaan dagaalkii ka dhacay deegaanka Shabeeloow, waxaana la sheegayaa inay Go’an tahay Isgaarsiinta deegaankaas.