Wasiir ka tirsan Puntland oo hortegay Xildhibaanada Baarlamaanka

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa Maanta Magaalada Garoowe ku yeeshay kulankii  21-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha oo uu shir guddoominayay Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Fadhiga oo Ajandihiisu ahaa la Xisaabtanka Golaha Xukuumadda ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Iskaashiga caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Wasiirka oo uu wehliyo Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Cabdiraxmaan Caydiid ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda, qorshayaasha u degsan, waxyaabaha u qaab-soomay iyo weliba mashaariicda ka socota guud ahaan Gobollada Puntland.

Intaa ka dib, Xildhibaannada ayaa su’aalo ka weydiiyay arrimaha ay ka hadleen sida uu qabo Dastuurka Puntland Qodobkiisa 64-aad farqadiisa 17-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobka 3-aad farqadiisa 17-aad.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media