AMISOM oo Gargaar gaarsiisay Dad ku barakacay fatahaada Webiga

Maamulka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa maalinimadii shalay agab gargaar ah gaarsiiyay dadka ku barakacay daadadkii dhowaan ku dhuftay Magaalada Beladweyne ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Mucaawinadaan oo ka kooban bustayaal, weelal,maro kaneeco iyo kuwo kale,waxaa ku deeqay Maamulka AMISOM ee  ku sugan Gobolka Hiiraan, gaar ahaan ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ee ka hoos shaqeeya AMISOM

Qalabkaan mucaawinada ah ayaa qeyb ka ah dadaal la doonayo in  lagu yareeyo dhibaatada soo gaartay barakacayaasha lagu khasbay inay guryahooda ugu cararaan daadadka ay sababeen roobab mahiigaan ah oo ku dhuftay Gobolkaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media