Al-Shabaab oo ka hadlay Wararka Sheegaya in uu geeriyooday hoggaamiyahooda

Saacadihii la soo dhaafay ayaa qaar ka mid ah Warbaahinada Caalamka iyo kuwa Gudaha dalka waxa ay qorayeen in uu geeriyooday Hoggaamiyaha ugu sareeya Al-Shabaab ee Axmed Diiriye,balse waxaa hadalkaas war ka soo saaray Al-Shabaab.

Warar ay Baraha Internet-ka ku faafiyeen Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sheegeen in Hoggaamiyahooda Axmed Diiriye uu Cafimaad qabo,isla markaana wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan waxba ka jirin.

Waxaa kaloo ay sheegeen in Warkaas uu yahay mid lagu daboolayo heshiiskii 16-kii Bishaan Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya kaas oo ahaa in Itoobiya maalgashato 4 ka mid ah dekadaha dalka Soomaaliya.

Abu Cubeydah ayaa noqday hoggaamiyaha Al Shabab kaddib markii Mareykanka uu duqayn cirka ah ku dilay hogaamiyihii isaga ka horreeyay ee Axmed Godane.

Dowladda Soomaaliya ayaanan ilaa iyo hadda Warka soo saarin wararka sheegayay in uu geeriyooday hoggaamiyihii ugu sareeyay Al-Shabaab wallow Al-Shabaab ay Warkaasi beeniyeen.

Comments
Loading...