Dhageyso:-Madaxweynaha Jabuuti oo ka digay in Ciidamada AMISOM ka baxaan Somaliya

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay qorshaha AMISOM looga saarayo Soomaaliya,iyo natiijada ka dhalan karta maadaama weli falal amnidarro ka dhacayaan gudaha dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in hore dhowr mar uu sheegay in ciidamada shisheeye uusan dalka Soomaaliya waxba u tareyn laakin loo baahan yahay in u  dhis lagu sameeyo Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in AMISOM dhaqaalo badan uu ku baxo laakin ay u baahan tahay in waqti yar lasiiyo si Ciidamada dowladda Soomaaliya ay awood ugu yeeshaan in ay la wareegaan amniga Guud ee dalka.

Waxa uu ugu baaqay Dowladaha dhinaca dhaqaalaha ka taageera AMISOM in ay siiwadan taageerada dhinac walba si waqtiga yare e u harsan ay u dhameystaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Dalka Jabuuti.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor