Kadib markii Dowladda Federaalka iyo Mareykanka ay sheegeen in duqeyn ka dhacday deegaanka Kuunya Barrow ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab ayaa waxaa duqeyn ka hadashay Al-shabaab.
War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Internet-ka Shabaab ay leeyihiin ayaa waxaa ku sheegeen in duqeyntii Mareykanka uu ka fuliyay deegaanka Kuunya Barrow lagu dilay ruux ay ku tilmaameen inuu ahaa Ganacsade.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in duqeynta lagu dilay nin lagu magacaabi jiray Ismaaciil kaas oo kamid ahaa Ganacsatada Shabeellada Hoose, goob ganacsina ku lahaa Magaalada Kuunyo Barroow.
Warkooda ayay intaasi ku dareen in dadka deegaanka ay gaareen goobta uu falka ka dhacay, isla markaana ay kasoo qaadeen Meydka ninka Ganacsada ahaa.
Dhinaca kale War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntii ka dhacday Kuunyo Barroow lagu dilay Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.