Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Weerar dhabba-gal ahaa oo rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Gaari ay leedahay Jaamacadda Ukunda ee Magaalada Mombasa ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Weerarkan ayaa waxaa uu ka dhacay Gobol ku yaalla dalka Kenya, isla markaana waxaa ka dhashay Khasaaro kala duwan oo soo gaaray Shaqaale ka tirsan Jaamacada Ukunda.
Sidoo kale Gaariga xiliga uu weerarka dhabba-galka ahaa lagu qaadayay ayaa waxaa la sheegay inay la socdeen xubno ka tirsan Jaamacada, Arday, iyo Ciidamo ilaalo ahaa, hayeeshee rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen.
Ugu yaraan laba haween ayaa ku geeriyootay, halka dad kale ay waxyeelo kasoo gaareen weerarka, waxaana goobta ka baxsaday ragii weerarka soo qaaday.
Dhinaca kale Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in la weeraray gaari ay laheyd Jaamacadda Ukunda ee Magaalada Mombasa, isla markaana uu Khasaaro ka dhashay.
Ugu dambeyntii Sarkaalka ayaa waxaa uu tilmaamay inay wadaan howlgalo kala duwan oo ay ku raadinayan ragii ka dambeeyay weerarkaas