Wararka aan ka heleyno deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab.
Dagaalkaas ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ku qaadeen Saldhig Ciidanka Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin Daynuunaay, waxaana inta uu dagaalka socday la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dad ku sugan tuulo ku dhow deegaanka ayaa ku warramay inay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo labada dhinac ay isdhaafsanayeen, isla markaana dagaalka kadib Al-shabaab ay la wareegeen Saldhiga Ciidamada iyo gacanta ku geynta deegaankaas.
Qoraal lagu daabacay baraha Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in dagaal oo socday muddo kooban ay kula wareegeen Daynuunaay, sidoo kalena dagaalka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sidoo kale Shabaab ayaa intaas waxaa ay ku dareen in dagaalka ay ku dileen Saraal ay magacabiisa ku sheegeeen Yuusuf Boorweyne kaasi oo kamid ahaa saraakiisha Ciiidamada maamulka Koonfur Galbeed.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha sare ee Koonfur Galbeed oo ay uga hadlayaan dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay, waxaana warar la helayo ay sheegayaan in xaaladda deegaankaas ay tahay mid kacsan.