Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Shil ka dhacay Somaliland

Saddex qof ayaa ku geeriyooday, halka tirro intaas ka badanna waxaa ay ku dhaawacmeen Shil gaari oo barqanimdii Maanta ka dhacay inta u dhexeeysa Magaalooyinka Berbera iyo Burco gaar ahaan Buurta Sheekh.

Shilkaas ayaa waxaa uu yimid, kadib markii gaari Bas oo ay leedahay Shirkad kamid ah Shirkadaha qaada dadweynaha ee u kala goosha Somaliland iyo Puntland uu rogmaday, xili uu ku socday xawaare sare.

Dad shacab ah ayaa gurmad xoogan u sameeyay dadkii waxyeelada kasoo gaartay shilkaas, waxaana gaariga xiligii uu rogmanayay saarnaa dad badan, iyadoo  halkaas ay ku geeriyoodeen Saddex kamid ah dadkii gaariga saarnaa.

Dadkii dhaawacyada soo gaaray ayaa waxaa durbo loogula cararay Xarun Caafimaad oo ku taalla Magaalada Berbera, si xaaladooda caafimaad loogu dabiibo.

Shilalka noocan oo kale ah ayaa ku soo badanayay muddooyinkii  ugu dambeeyay deegaanada maamulka Somaliland, waxaana shilal horey u dhacay ku geeryooday dad fara badan, halka tiro kalena dhaawacyo kala duwan ay kasoo gaareen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media