Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta oo Arbaco amar ku bixisay in si deg deg ah lagu siidaayo Wariye Maxamed Cabduwahaab Nuur Abuuja, kaasi oo dhowr bilood u xirnaa dowladda Federaalka.
Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegtay in Wariye Abuuja lagu waayay wax dembi ah, isla markaana wixii Maanta ka dambeeya uu xor yahay, sidaasina lagu sii daayay Wariyaha oo muddo xirnaa.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda 22-kii April ee 2020 ayaa waxaa lagu sheegay in Wariye Abuuja ay hay’addaha amniga kusoo eedeeyeen inuu ka tirsan yahay Al-shabaab uuna ka qeyb qaatay dil ka dhacay Degmada Boondheere.
Maalin kahor ayay aheyd markii Wariyaha la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, iyadoona Wariyaha uu sheegay in uusan gelin dembiga ay Hay’addaha amniga ay ku soo eedeeyeen.