Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka oo ka hadlay muranka diplomaasiyadeed ee soo kala dhex galay dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ee xiriirkana la leh muranka xuduud baddeedka ee labada dalka ayaa soo dhoweeyay mawqifka Dawaladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan ka jawaabidda cabashada Kenya.
Sidoo kale Xisbiga ayaa Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ugu baaqay in ay shacabka Soomaaliyeed la wadaagto xogaha dhabta ah ee ku saabsan arrimaha Sahminta shidaalka ee ka dhacay London 7-dii Feb ee 2019.
Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqday xisbigii labaad ee taageera Jawaabtii ay dowlada Soomaaliya ka ka bixisay Go’aankii dowlada Kenya.
Hoos ka Akhriso Qoraal ka soo baxay Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka.