Uhuru Kenyatta oo loogu baaqay inuu joojiyo daandaansiga dagaal ee Soomaaliya

Qareen Kenyan haysta dhalashadda dalka Kanada oo lagu magacaabo Miguna Miguna ayaa sheegay inuusan Madaxweyne Uhuru Kenyatta xaq u lahayn inuu iclaamiyo dagaal ka dhan ah Somalia sababo la xiriirta khilaafka dhinaca Xuduud-baddeedka ee labada Waddan.

Qareenka oo masaafuris ahaan ugu nool dalka Kanada waxa uu intaasi ku daray inuusan Madaxweyne Uhuru Kenyatta xaq Awoodeed u lahayn inuu ku baaqdo Dagaal ka dhan ah Somalia, iyadoo ay Uganda horey u qaadatay Jesiirad uu Uhuru Kenyatta rumeysan yahay inay Kenya leedahay.

Qoraal uu Qareen Miguna Miguna soo dhigay bartiisa Twitterka waxa uu ku muujiyey inay Jesiiradda Migingo qabsadeen Milliteriga iyo Boliska Uganda muddo hataan laga joogo  in ka badan 5 sanno, iyadoo  dad badan oo Kenyan ah lagu dilay, lagu jir-dilay, lagu kadeeyey, laguna sharaf-tiray Jesiiraddaasi.

Waxa uu intaasi sii raaciyey inaysan Dowladda Kenya ka hadlin Tacadiyadaasi, isla markaana uusan Madaxweynaha Kenya marnaba  Xiriirka Diplomaasiyadeed u jarin Dowladda Uganda.

Dhinaca kale,  Qareen Miguna Miguna waxa kaloo uu sheegay in Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Ku-xigeenkiisa, William Ruto ay la dagaalamayaan oo keliya Caddowga Khiyaaliga ah, wuxuuna ugu baaqay Dowladda Jubilee-ga ee Kenya inay helaan qaabab wanaagsan oo looga hadlayo arrimahaasi mustaqbalka.

“Keligii Taliye waxa uu dagaal u isticmaalaa ama Cabsi Khiyaali oo ka imaanaysa Ajaaniibta ka dhigtaa sidii xeellado looga hortagayo arrimaha gudaha khuseya, sida doorasho lagu shubtay, shqo la’aanta heerka sare, saboolnimadda, musuqa, qabyaalladda iyo Tacadiyadda Xuquuqda Aadanaha” ayuu yiri Qareen Miguna Miguna.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media