War Goordhow soo gaaray Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaan in Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug lagu xiray Wasiir ka tirsan maamulka Galmudug.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo qeyraadka dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire Falage ayaa waxa la sheegay in Ciidamo Boolis ah oo ku sugan Dhuusamreeb ay Xabsi ku yaalla halkaasi ku xireen.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta loo xiray Wasiirka Tamarta Galmudug,waxaana la tilmaamayaa in la xiray,kadib markii uu isku dayay in uu la baxsado Gaari dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya siisay Wasaaradda Tamarta Galmudug.
Wasiir Shire Falage ayaa waxaa la xusay in uu doonayay in uu horey usii raaco Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo gelinkii dambe safar dhanka dhulka uga ambabaxay Dhuusamareeb,hayeeshee waxaa la qabtay,isla markaana lagu xiray xabsi ku yaalla Dhuusamareeb.