Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka oo hogaamiyaha uu ka yahay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Gen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa War-saxaafadeed ka soo saaray Doorashada Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Xisbiga ayaa waxaa uu dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay joojiso faragelin oo uu sheegay inay ku heyso arrimaha Doorashooyinka Jubbaland oo dhawaan la filayo inay ka dhacaan Magaalada Kismaayo.
Sidoo kale Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ayaa Cambaareeyay Go’aankii xalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya oo looga hadlay howlaha Doorashooyinka Jubbaland,waxaana Xisbiga sheegay in Go’aankaas uu yahay mid lagu faragelinayo arrimaha qaaska ah ee dowlad Goboleedlka Jubbaland.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka.