Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Hargeysa,kadib markii maalmihii la soo dhaafay safar shaqo ugu maqnaa qaar kamid ah dalalka qaaradda Afrika.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal International Airport kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, xubno ka tirsan labada Golle,qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Somaliland iyo qaybaha kala duwan.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa marka hore ka hadlay Safaro uu ku tegay Jamhuuriyadda Guinea iyo dalka Itoobiya,isagoo sheegay in halkaas uu kula soo kulmay Madax ka tirsan dalalkaas.
Sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa uu ka hadlay arrimaha dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay Jamhuuriyadda Guinea,isagoona sheegay in halkaas ay gef uga galeen dalka Guinea.
Isaga oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu sheegay Muuse Biixi in Warka ka soo yeeray dowladda ay Ilaaliyaan Ciidamada AMISOM inuu yahay mid aan waxba ka soo qaad laheyn.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Somaliland ayaa weerarka Afka ku qaaday Madaxweyne Farmaajo,waxaana Shacabka maamulkiisa ugu baaqay inay mar walba u midoobaan sidii ay maamulkooda u difaaci lahaayeen.
Hoos ka Dhageyso Codka Muuse Biixi.