Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay fiidkii soo gaaray oo deegaanka Jilib Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa Guutada 14-ka Octoober ay werareen deegaanka Jilib marka oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Sabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in howlgalkaas ay kula wareegeen deegaanka Jilib Marka oo ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab.
Dagaalka oo mudo Saacad ka badan socday ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac kala gaaray walow aan weli si faah faahsan loo helin.
Dhinaca kale Warar ay Al-Shabaab ku qoreen Baraha Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in ay dagaalkaas kula wareegeen Gaari nooca Soomaalida u taqaano beebaha,hayeeshee Saraakiisha Ciidamada Dowladda aysan weli ka hadlin.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay la wareegeen Magalada Marka waxa ay wadeen howlgallo ay kula wareegayaan deegaanada Xeebta ah oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.