Dabley weerar iyo afduub ka geysatay Kenya

Koox ah dabley oo aan haybtooda la garan ayaa haweeney Talyaani ah oo hay’ad gargaar u shaqaysa ku afduubtay koofurta bari ee Kenya, sida ay boolisku sheegeen.

Dableyda oo la sheegay inay ku hubaysnaayeen qoryaha fudud ayaa “rasaas aan loo aabo yeelin furay” ka hor intii aysan kaxaysan gabadhaas 23 jirka ah ee sida mutadawacnimada ah uga shaqaynaysay magaalada Kilifi.

Shan qof, oo laba ka mid ah carruur yihiin ayaa ku dhaawacmay, waxaana loo qaaday isbitaal.

Sababta weerarka iyo haybta qolyaha wax afduubtay ayaan weli la ogayn, sida ay boolisku sheegeen.

Boolisku waxay sheegeen oo kale inay arrintaas ula dhaqmayaan weerar argagixiso, kaasoo dhacay xalay 8dii fiidnimo ee wakhtiga Afrikada bari.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor