Iyadoo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uu taageero u muujiyay dowladda Itoobiya ee dagaalka kula jirta xoogagga fallaagada ah ee TPLF, ayaa waxaa arrintaasi ka jawaabay Af-hayeenka Tigreyga Gatachu Reda.
Afhayeenka tigreega ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu dhabar jebin uu ku sameeyay Somaliland, taasi oo carrabka ku dhiftay in aysan jirin sabab uu u taageero, waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Somaliland Ma Ilowsana dhabar jabintii Abiy ku samaynayay markuu farmaajo heshiiska la saxeexday’’ ayuu yiri Afhayeen TPLF Gatachu Reda, mar uu ka jawaabyay war la faafiyay oo ku aaddana in Muuse Biixi uu taageero la garab taagan yahay Dowladda dhexe ee Itoobiya, sida lagu baahiyay Warbaahinta Fana ee ku hadashada afka dowladda Itoobiya.
Afhayeenka TPLF Gatachu Reda ayaa hadalkaa jeediyay, isaga oo la hadlaayay shabakadda Tigree News, ee baahisa wararka jabhadda dagaalka kula jirta Dowladda federaalka Itoobiya Tigreega.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa inta ku daray in shacabka Somaliland aan la qaldi Karin sidoo kalena, Abiy Ahmed uu wado marin habaabin iyo sidii danihiisa uu uga fiirsan lahaa Gobolka, isagoo ku eedeyay iska horkeenid.
hadalka Afhayeenka Tigreega ayaa imaanaya, iyadoo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uu taageero u muujiyay dowladda Itoobiya ee dagaalka kula jirta xoogagga fallaagada ah ee TPLF.
“Waxaan garab taagan nahay ololaha badbaadada ah ee ay dowladda Itoobiya ka waddo waqooyiga dalkaas,” Fana ayaa soo xigatay hadalkaas oo ay sheegtay inuu yiri madaxweyne Biixi.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sida lagu soo warramay hadalkan ka sheegay kulan uu xafiiskiisa kula yeeshay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cagjar