Sawirro:-Banaanbaxyo ka dhashay Fanaan Caan ah oo lagu dilay Itoobiya

Wararka aan ka heleyno Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa sheegaya in xalay rag hubeysan ay halkaas ku dileen fanaan Caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Hachalu Hundesa.

Dad ku sugan Addis Ababa ayaa warbaahinta u sheegay in rag hubeysan oo aan la ogeyn waxa ay ahaayeen ay dileen Fanaan Hachalu Hundesa oo caan ku ahaa  Kicinta dhalinyarada Oromada xiliyada ay jiraan Munaasabadaha iyo Dibad-baxyada.

Dilka kadib ayaa waxaa Caasimadda Itoobiya iyo deegaanka Oromada ka bilowday banaanbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeedo dilkii loo geystay Fanaanka, waxaana banaanbaxa uu yahay mid xoogan oo weli socda kuna sii fidayo degaano kale.

Sawirro laga soo qaaday dadka banaanbaxa dhigaya ayaa waxaa ay yihiin kuwo aad u careysan, iyagoo waddooyinka ku gubayay taayaro waaweyn, sidoo kalena wadada soo dhoobay dhagxaan farabadan, isla markaana waxaa istaagay isku socodka gaadiika.

Dilka loo geystay fanaan Hachalu Hundesa ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo Todobaadkii lasoo dhaafay uu fanaanka waraysi xasaasi ah siiyay Tv-ga OMN, isagoona wareysigiisa ku weeraray boqorkii hore ee Itoobiya ee Minilik.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media