Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta shaacisay dad farabadan oo ka bogsaday Cudurka halista ah ee COVID-19, kuwaasi oo uu horey ugu dhacay.
Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in 5 maalin ee lasoo dhaafay Cudurka COVID-19 lagaย baaray 3,464 qof, isla markaana 119 ruux kamid ah dadkaas laga helay Cudurka, waxaana ka bogsaday 79 Ruux.
Wasaaradda ayaa sheegtay in Somaliland 18 kiis laga diiwaan-geliyay,ย Puntland 99 qof, iyo Gobolka Banaadir 2 qof, Bukaannada cusub 83ย ka mid ah waa rag 34-na waa dumar, maalmihii lasoo dhaafay ย ma jirin wax bukaan ah oo u u geeriyooday Cudurka.
Tirada guud dadka uu ku dhacay COVID-19 ee Soomaaliya ayaa gaartay 3,864 qof, waxaana ka bogsaday 3,089 qof uu ku dhacay Cudurka, isla markaana waxaa guud ahaan dalka Soomaaliya Cudurka ugu dhintay 99 qof.
Siihayaha Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.