Mudanayaasha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maant waxa ay Magaalada Muqdisho ku leeyihiin kulankoodii caadiga ahaa.
Xildhibaano ka tirsan Baarlaamanka ayaa waxa ay Radio Dalsan u sheegeen in xalay lagu wargeliyay in Maanta uu jiro kulanka Baarlamaanka Soomaliya.
Ajandaha Maanta kulanka ayaa ahaa sidii ay xildhibaanada u ansixin lahaayeen ama ay u diidi lahaayeen heshiiskii Isdhaafsiga Maxaabiista ee Soomaaliya iyo Indiya.
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa dhageysan doona Akhrinta warbixinta Guddiga Madaxbanaan ee Xuduudaha dalka kaas oo horay u soo maray Akhrinta Koowaad.
Diyaar garoowkii ugu dambeeyay ee furitaanka kulanka Baarlaamanka Soomaaliya ayaa laga dareemayaa Magaalada Muqdisho, iyada oo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.