Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 20-ka Bisha May 2019,lagu wadaa in Saacadaha soo socda kulan ay yeeshaan Magaalada Muqdisho.
Xalay ayaa lagu wargeliyay Mudanayaasha Golaha Shacabka in Maanta uu jiro kulanka,isla markaana looga baahan yahay inay ka soo qeyb galaan si howlaha hor yaallo loo qabto.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ah 3 qodob.
1.U codeynta Hindise Sharciyeedka dhismaha guddiga Musuqmaasuqa.
2.Akhrinta 3aad wax ka badelka Sharciga Batroolka.
3.Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka doorashooyinka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa todobaadkii la soo dhaafay ansixiyay heshiiskii Baydhabo oo guddiga Kheyraadka ee Golaha Shacabka horgeeyeen iyo heshiiska caalamiga ah ee dadka naafada ah.