• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, May 17, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo Maanta xukun Riday

Bilan Media by Bilan Media
May 20, 2019
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa ay Xukun ku riday laba Eedeeysane,kuwaasi oo kala ah Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) 21 jir ah iyo Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) 25 jir ah,isla markaana lau eedeeyay dembiyo kala duwan.

Go’aan Qoraaleedka ka Soo baxay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa U qornaa Sidan:-

“MARKAY ARAGTAY: Rafcaanka ay usooo gudbiyeen   Xukunsaneyaal:-

1.Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) 21 jir ah ina Faadumo Aadan Cusmaan ku dhashay Sh/dhexe.

2.Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) 25 ina Xaawo Cawil Mursal ku dhashay Baydhabo.

MARKAY ARAGTAY: Aayada 178aad Suartul Baqara iyo aayadaha 33, 45aad suuratul Maa’ida iyo Qodobada 221,222,434/71 XCS. iyo Qodobka  koowaad XCCQS. oo lid ku ah Rafcaanlayaasha.

MARKAY ARAGTAY: Xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida  ee 20.03.2019 kuna xukuntay Dil Toogasho ah Racfanlayaasha.

MAXKAMADDU

MARKAY ARAGTAY: Maxkamaddu Qiraalka Eedaysane Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad)  oo uu ka hor qoray  garsooraha hortiisa kuna cadeeyay  in uu ka tirsanaa kooxda Al-shabaab kana soo shaqeeyay qaybo kala duwan oo ay ka mid tahay weerarada lagu fuliyo baabuurta asigoo  qayb ka ahaa weeraro ay ka mid ahaayeen weerarkii 15/08/2017 degmada Hodan lagula beegsaday    gaari Hartoop langaruusal ah oo ay saarnaayeen hal qoys oo uu ku geeriyooday hal ruux kuna dhaawacmeen 5 ka mid qosykii gaariga saarnaa,

sidoo kale wuxuu eedaysanuhu sheegay in uu qayb ka ahaa weerarkii lagu qaaday gaari Saruf ah oo marayay isgoyska via Roma ee degmmada Xamar-wayne 27/09/2017 oo ay ku geeriyoodeen labadii ruux ee saarnaa gaariga , sidoo kale eedaysanuhu wuxuu garsoorka u cadeeyay in uu ahaa sahmiyihii weerar iyo qaraxyo lala beegsaday  09/11/2018,   Hotel Sahafi weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen 32 ruux kuna dhaawacmeen 69 ruux oo kale, iyadoo ciidanka amniga ay soo qabteen kadib markii uu ka degay gaarigii labaad ee ku qarxay 22/12/2018 agagaarka Daljirka daahsoon , qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen labo macalin oo ka tirsanaa iskuulka Yaasiin Cusmaan.

MARKAY ARAGTAY: Qiraalka eedeysane 2.Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) uu ka hor bixiyay Garsoorka Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sida in uu ka tirsanyahay kooxda Alshabaab gaar ahaan qeybta qaraxyada isaguna sahmiye ka ahaa qaraxii ka dhacay Degmada Howl-wadaag 02.09.2018 sidoo kalane  uu ka mid ahaa weerarkii lagu qaaday tiyaatarka qaranka 22.12.2018, waxa ay  ciidanka amnigana  gacanta ku dhigeen kadib markii uu ka dagay gaarigi labaad ee ku qarxay Taalada Daljirka Daahsoon.

MARKAY DHAGEYSATAY: markhaatiyaasha   la horkeenay maxkamadda sare Ciidamada Qalabka Sida  mid midna ay u waydiisay marag furkooda waxay maxkamadda ka hor cadeeyeen in ay dad shacab ah u sheegeen in labada Racfaanle ay ka degeen gaari ay dhigeen agagaarka Daljirka dahsoon sidaasna ay ku qabteen  intii ay waraysanayeena uu qarxay gaarigii ay ka degeen, qaraxaas oo sababay dhimashada 3 ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen macalimin iskuul.

MARKAY DHAGEYSATAY: doodii dhinacyada Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Qareenaka difaaca Racfaanlayaasha.

MAXKAMADDA SARE CIIDAMADA QALABKA SIDA  WAXAA U CADAATAY IN:

1.Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) 2.Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) in ay yihiin dembiilayaal galay dembiyadii lagu soo oogay.

WAXAYNA KU RAACDAY

Xukunkii Maxkamadda Darajada 1-aad CQS oo ahaa  DIL TOOGASHO AH, oo ah  qisaasta Marxuumiintii ku geeriyooday qaraxyadii iyo weeraradii ay geysteen.” Sida uu u sheegay Warbaahinta Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxamadd Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Previous Post

Donald Trump oo ku goodiyey inuu burburin doono Iiraan

Next Post

Akhriso:-Qodobada looga hadlayo kulanka Maanta ee Golaha Shacabka

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay
Warar

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay

May 17, 2025
Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta ee Baqdaad
Warar

Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta ee Baqdaad

May 17, 2025
Xal u Helidda Qaza oo Qodob Muhiim ah ka ah Shirka Jaamacadda Carabta oo ay somaliya ka qeyb galeyso
Caalamka

Xal u Helidda Qaza oo Qodob Muhiim ah ka ah Shirka Jaamacadda Carabta oo ay somaliya ka qeyb galeyso

May 17, 2025
Ciidamada Xoogga iyo Daraawiishta K/Galbeed oo Howlgal Ka Fuliyay Baraawe Duleedkeeda
Warar

Ciidamada Xoogga iyo Daraawiishta K/Galbeed oo Howlgal Ka Fuliyay Baraawe Duleedkeeda

May 17, 2025
Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Meel u Dhow Garoonka Baraawe
Warar

Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Meel u Dhow Garoonka Baraawe

May 17, 2025
Dagaal Culus oo Xalay Ka Dhacay Deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Dhexe
Warar

Dagaal Culus oo Xalay Ka Dhacay Deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Dhexe

May 17, 2025
Next Post

Akhriso:-Qodobada looga hadlayo kulanka Maanta ee Golaha Shacabka

NCA Hosts Universal Acceptance Day to Promote Digital Inclusion

NCA Hosts Universal Acceptance Day to Promote Digital Inclusion

by Dalsan Editor
May 17, 2025
0

Mogadishu, Somalia – 17 May 2025 – The National Communications Authority (NCA) hosted a full-day training and adoption event in...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay

by Dalsan Editor
May 17, 2025
0

Muqdisho, Soomaaliya – 17 May 2025 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad wacyigelin iyo tababar...

Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta ee Baqdaad

Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta ee Baqdaad

by Ilhaan
May 17, 2025
0

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyey meertada 34-aad ee shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta...

Uganda’s Deputy Army Chief Arrives in Mogadishu to Boost Military Cooperation Amid AUSSOM Security Challenges

Uganda’s Deputy Army Chief Arrives in Mogadishu to Boost Military Cooperation Amid AUSSOM Security Challenges

by Liban
May 17, 2025
0

MOGADISHU, Somalia – Uganda's Deputy Chief of Defence Forces, Lt. Gen. Sam Okiding, arrived in Mogadishu today on an official...

NCA Hosts Universal Acceptance Day to Promote Digital Inclusion
English News

NCA Hosts Universal Acceptance Day to Promote Digital Inclusion

May 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay
Warar

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay

May 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta ee Baqdaad
Warar

Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta ee Baqdaad

May 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Uganda’s Deputy Army Chief Arrives in Mogadishu to Boost Military Cooperation Amid AUSSOM Security Challenges
English News

Uganda’s Deputy Army Chief Arrives in Mogadishu to Boost Military Cooperation Amid AUSSOM Security Challenges

May 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali Ambassador Attends Inauguration of Garissa Cultural Festival in Kenya
English News

Somali Ambassador Attends Inauguration of Garissa Cultural Festival in Kenya

May 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Xal u Helidda Qaza oo Qodob Muhiim ah ka ah Shirka Jaamacadda Carabta oo ay somaliya ka qeyb galeyso
Caalamka

Xal u Helidda Qaza oo Qodob Muhiim ah ka ah Shirka Jaamacadda Carabta oo ay somaliya ka qeyb galeyso

May 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • NCA Hosts Universal Acceptance Day to Promote Digital Inclusion
  • Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay
  • Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta ee Baqdaad
  • Uganda’s Deputy Army Chief Arrives in Mogadishu to Boost Military Cooperation Amid AUSSOM Security Challenges

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00