Sawirro:-Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS ayaa shir Guddoomiyay Kulanka gudiga joogtada ah ee golaha oo looga Hadlay Ajendaha looga hadli doono Kulanka ugu soo horeeya ee golaha shacabka.

Xubnaha Guddiga joogtada ah ayaa ka dooday Ajendayaasha horyaala Kulanka ugu soo horeeya ee golaha shacabka.

Xoghayaha guud ee golaha shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta qaranka ayaa faah faahiyay dhamaadka Kulanka iyo wixii kasoo baxay.

Sidoo kale guddoonka golaha shacabka ayaa Kulan qada ah la qaatay guddoomiyaasha galayaasha sharci dejinta ee Dowlad Goboleedyada kuwaasoo ka qeyb galay furitaankii kalfadhigii shanaad ee Golaha Shacabka,waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka wada shaqeyneed iyo iskaashiga Golayaasha Sharci dejinta ee Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media