Magaalada Kismaayo ayaa waxaa shalay gelinkii dambe ka dhacay weerar ku Bilowday qarax iyo Mid toos ahaa,kaasi oo rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Madiina.
Hotelka Madiina ayaa waxaa degnaa dad kala duwan oo isugu jiray Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka,Jubbaland Wariyeyaal,Qurbojoog,dad heystay dhalasha dalal kale,Odayaal dhaqmeed iyo dad shacab ahaa.
Weerarka oo qaatay soo Afjarideen 15 saacadood oo xiriir ah ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii halkaas ku sugnaa.
Hotelka Madiina ayaa kamid ah Hotelada ku yaalla Magaalada Kismaayo,waxaana uu yahay mid si aad loo Ilaaliyo amnigiisa.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shaaciyay tirada dadkii ku geeriyooday weerarka iyo kuwa ku dhaawacmay halkaasi.
Madaxweynahu wuxuu sheegay in 26 qof ay ku dhinteen weerarka halka 56 kalana ay ku dhaawacmeen isagoo sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan qaar haystay jinsiyadaha dalalka
Kenyan 3 qof.
Canadian 1 qof.
British 1 qof.
American 2 qof.
Tanzanian 3 qof.
Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa uu sheegay in labo qof oo u dhalatay wadanka shiinaha ay kamid yihiin dadka dhaawacmay kuwaas oo hada xaaladoodu aad u wanaagsan tahay.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah tacsi ugu diray ehelada uu ka baxay Xildhibaan hore hadana ahaa musharax u tartamayay xilka madaxtinimo ee Jubbaland Xildhibaan shuuriye iyo Alle ha u Naxariistee wasiir hore oo Jubbaland ah Jaamac fariid iyo marwadiisa hodan naleeye isagoo ilahay uga baryay dhamaan dadka dhintay in uu janadii fardowso ka waraabiyo kuwa dhaawaca ahna wuxuu u rajeeyay caafimaad taam ah.
War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Intetnet-ka Al-shabaab ay ku leeyihiin ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada Weerarkii lagu qaaday Hotelka Madiina ee ku yaalla Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland.