Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose lagu xirey Taliye dowladda Soomaaliya u Magacaawday Hay’adda Nabadsugida Jubbaland iyo ku xigeenkiisa.
Saraakiisha la xirey ayaa lagu kala magacaabaa Cali Mire Ducaale oo ah taliyaha iyo ku xigeenkiisa Maxamed Ibraahim,waxana Saraakiisha Nabadsugida Jubbaland sheegeen in ay u xireyn sababo lax iriira in aan lagala tashan.
Maanta oo Arbaco ah ayaa labda Sarkaal waxa ay saraakiisha Nabadsugida Jubbaland ay sheegeen in ay u soo celin doonaan Magalada Muqdisho oo markii hore ay ka baxeen.
Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Amniga weli kama hadlin dhacdadaas Saraakiisha lagu xirey Kismaayo,iyada oo ay tahay markii labaad ee Saraakiil dowladdu dirto lagu xayiro Garoonka Diyaaradaha Kismaayo.