Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa xilkii looga qaaday Gudoomiyihii degmada Balcad Ismaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) iyada oo Gudoomiye Cusub la Magacaabay.
Wareegtada ka soo baxday Madaxweynaha aan weli la Caleemo saarin ayaa ku taariikheysan Maanta oo ah 19/10/2017 ayaa waxaa sidoo kale guoomiyaha degmada Balcad loogu Magacaabay Qaasim Cali Nuur oo loo yaqaano(Qaasim Furdug )
Gudoomiyaha Cusub ee degamda Balcad Qaasim Cali Nuur oo loo yaqaano (Qaasim Furdug ) ayaa horay uga mid ahaa Baarlamaankii 9,aad isaga oo bedelay Walaalkiis Cumar Furdug oo ku geeriyooday qarixii ka dhacay Hotel Centeral.
Hoos Ka Akhriso Wareegtada xilka qaadista iyo Magacaabista.