Ciiddanka Dowladda Libya ee ay QM taageerto ayaa sheegay inay Hubkaasi ka heleen Saldhig Milliteri oo ay Ciiddanka Khaliifa Xaftar ku lahaayeen Degmadda Qaryan oo dhanak Koonfur kaga toosan caaasimadda dalkaasi ee Tripoli.
Afhayeenka Dowladda Liibiya, Maxamed Qunuu oo Suxufiyiinta kula hadlay Saldhigga Qaryaan waxa uu soo bandhigay Hub, Daroonis iyo Gantaalo lagu farsameeyey Maraykanka iyo Shiinaha iyo Hub kale oo ay Dowladda Imaaraadka ku tagaeertay Ciiddanka Khaliifa Xaftar.
Waxa uu tilmaamay in Hubka ay qqabsadeen ku jiraan Gantaalladda Lidka Taangiyadda ee Javelin oo lagu farsameeyo Maraykanka, oo calaamadda Ciiddanka Imaaraadka ka muuqdaan sanaadiiqda ay ku jireen Gantaaladaasi.
Warbaahinta Liibiya waxay sheegeen in hubka la soo bandhigay ay ku jireen Diyaarado Dagaal, kuwo Daroonis iyo Gaadiidka Milliteriga oo la sheegay inay Dowladda Imaaraadka ugu deeqday Ciiddanka Khaliifa Xaftar ee dagaalka kula jira ciiddanka dowladda dalkaasi ee ay QM aqoonsan tahay.
Dhinaca kale, Wargeyska The New York Times waxa uu qoray inuu Danjiraha Imaaraadka u jooga Maraykanka, Yuusuf Al-cutayba ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aalo ku aadanaa Gantaalladda ay Dowladda Liibiya soo bandhigtay.