Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel ku yaalla Xaafada Baar ee degmada Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir ayaa waxa dhawaan dil loogu geystay Marxuumad lagu magacaabi jiray Suleeqo Yuusuf Axmed.
Meydka Gabadha ayaa waxaa laga helay xili subax ah Albaabka hore ee hotelka Caamir,isla markaana ay gabadhaas aheyd hooyo heesatay shan caruur ah,waxaana halkaas ka baxsaday ruuxii ka dambeeyay falkaas.
Hayeeshee Ciidanka Boliiska gaar ahaan Hoggaanka Demibaarista CID-da ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan Nin lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay Dilkii loo geystay Marxuumad Suleeqob sida uu sheegtay Taliska Booliska Soomaaliya.
Taliye ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Ciidanka Boliiska ay gacanta kusoo dhigeen Eedeysane lagu magacaabo Bishar Abdirisaq Maxamed, kaasoo ku eedeeysan dilkaas.
“Ciidanka Boliiska gaar ahaan Hoggaanka Demibaarista CID ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan edeeysane Bishar Abdirisaq Maxamed kaasoo ku eedeeysan dilka marxuumada Suleeqo Yusuf Axmed (hoos ku masuwaran)”ayay tiri Zakiya Xuseen.
Falkaas dilka ah ayaa dhowr cisho ka hor waxa uu ka dhacay Hotel Caamir oo ku yaal degmada Howl-wadaag Gobolka Banaadir.