• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, June 18, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Akhriso: 6 Qodob oo RW Xamse kaga hadlay khudbaddiisii kalfadhiga 79-aad ee Golaha Guud ee Q.M

Dalsan Editor by Dalsan Editor
September 30, 2024
in Warar
Reading Time: 6 mins read
A A
Akhriso: 6 Qodob oo RW Xamse kaga hadlay khudbaddiisii kalfadhiga 79-aad ee Golaha Guud ee Q.M
38
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay nabadda, is-dhexgalka bulshooyinka, iyo horumar waara, iyadoo laga jawaabayo caqabadaha sii kordhaya ee caalamka. Halkan waxaa ku xusan qodobadii ugu muhiimsanaa ee khudbaddiisa.

1-Midnimo caalami ah oo ka dhan ah khilaafaadka bani’aadannimo iyo musiibooyinka:

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si weyn u adkeeyay baahida degdegga ah ee loo qabo midnimo caalami ah si wax looga qabto khilaafaadka iyo dhibaatooyinka bani’aadannimo ee sii kordhaya, gaar ahaan meelo ay kamid yihiin Suudaan, Gaza, iyo Ukraine. Wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo falalka colaadeed ee ka jira gobolladan, isagoo adkeeyay muhiimadda sharciyada caalamiga ah iyo kaalmooyinka bani’aadannimo.

“Waxaan si adag u taageersanahay ilaalinta nolosha dadka rayidka ah iyo soo celinta nabadda iyada oo loo marayo wada shaqeyn wadajir ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

2-Difaaca madaxbannaanida Soomaaliya:

Fariin adag oo uu u diray beesha caalamka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku adkeeyay xuquuqda Soomaaliya ee madaxbannaanida, gaar ahaan inay iska difaacdo weerarada ka imaanaya Itoobiya. Wuxuu si cad u cambaareeyay isku dayada sharci-darrada ah ee Itoobiya ay ku dooneyso inay ku wiiqdo madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo ugu baaqay dhammaan dalalka inay u hoggaansamaan mabaadi’da midnimada qaranka iyo sugidda xuduudaha, kuwaasoo muhiim u ah xasilloonida gobolka.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa khudbaddiisa ku eedeeyay Itoobiya inay ku kacday falal si cad u xadgudbaya madax bannaanida dalka, kaddib markii Addis Ababa ay ku dhawaaqday heshiis sharci-darro ah oo lala galay dhulka Soomaaliyeed.

“Soomaaliya waxay hadda wajahaysaa khatar weyn oo ka dhalatay tallaabooyinka dhawaan ka yimid Itoobiya oo si cad u xadgudbay amniga dhulkeenna,” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre isagoo ka hadlayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Wuxuu intaas ku daray: “Isku dayga Itoobiya ee ah inay isku dartaan qeyb kamid ah dhulka Soomaaliya iyagoo marmarsiiyo ka dhigaya deked badeed ayaa ah mid sharci-darro ah oo aan loo baahnayn.”

  1. Kordhinta dadaallada nabadda iyo amniga:

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay horumarka weyn ee Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada, gaar ahaan soo celinta in ka badan labo-meelood oo meel dhulkii ay horay gacanta ugu hayeen AS. Wuxuu beesha caalamka ugu baaqay in la helo maalgelin joogto ah si loo hubiyo in hawlgalada nabad-ilaalinta ay si hufan uga jawaabaan khataraha islamarkaana ay taageeraan dadaallada dhismaha qaranka.

4-Tallaabo degdeg ah oo lagaga hortagayo isbedelka cimilada:

Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dhibaatooyinka isbedelka cimilada, halkaas oo dhacdooyinka cimilada xad-dhaafka ah ay burbur baaxad leh ku hayaan dadkeeda iyo kheyraadkeeda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyay baahida loo qabo fududeynta helitaanka maalgelinta caalamiga ah ee isbedelka cimilada si dalalka sida Soomaaliya oo kale ah ay u dhisaan adkeysiga islamarkaana ay u ilaaliyaan bulshadooda.

Sanadkii hore, Soomaaliya waxay la kulantay fatahaado ka dhashay roobab xooggan oo sababay dhimashada in ka badan 100 qof, iyadoo sidoo kale ay kamid tahay dalalka sida aadka ah ugu nugul isbedelka cimilada.

5-Baaq ku saabsan dib-u-habaynta hay’adaha caalamiga ah:

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay dib-u-habayn lagu sameeyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, si ay uga tarjumaan xaqiiqooyinka cusub ee juqraafiyeedka caalamiga ah. Wuxuu ku celiyay in dib-u-habayntani ay lagama maarmaan u tahay in codadka Afrika iyo gobollada kale ee soo koraya si ku filan loogu matalo hanaanka go’aan qaadashada caalamiga ah.

Bishii Juun ee sanadkan, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa doortay shan xubnood oo cusub si ay uga mid noqdaan kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, kuwaasoo ay ku jiraan Soomaaliya, Denmark, Giriiga, Pakistan iyo Panama, muddo laga bilaabayo Janaayo 1, 2025 ilaa Diseembar 31, 2026.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu ka kooban yahay 15 xubnood, toban xubnood oo aan joogto ahayn waxaa doorta Golaha Guud ee matalaya dhammaan 193 xubnood ee Qaramada Midoobay, halka shanta xubnood ee joogtada ah ay yihiin Boqortooyada Ingiriiska, Shiinaha, Mareykanka, Faransiiska iyo Ruushka.

6- Waddada Soomaaliya ee barwaaqada:

Soomaaliya waxay ku dhowdahay inay gaarto koboc dhaqaale, iyadoo ay jiraan kheyraadka aan wali laga faa’iidaysan ee beeraha, xoolaha, tamarta dib loo cusboonaysiin karo, iyo dhaqaalaha badweynta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhawaaqay diyaarinta Qorshaha Isbedelka Qaranka si loo adeegsado kheyraadkaas loona gaaro xasilloonida iyo barwaaqada qaranka.

Wuxuu yiri: “Waxaan soo dhaweyneynaa maal-gashiga iyo iskaashiga caalamiga ah, iyadoo Soomaaliya ay u muuqato inay door muhiim ah ka qaadato ganacsiga iyo horumarka gobolka.”

Soomaaliya iyadoo isu diyaarineysa inay kuraas ka hesho Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadka 2025, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu mar kale xaqiijiyay in dalka uu ka go’an yahay dhiirrigelinta nabadda, is-dhexgalka bulshooyinka, iyo sharciyada caalamiga ah, isagoo carabka ku adkeeyay in “Soomaaliya ay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato dhismaha nidaam caalami ah oo caddaalad leh oo nabadeed, islamarkaana ay wada shaqeyn la yeelato bulshada caalamka.”

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku baaqay ruux is-kaashiga dib loo cusboonaysiiyay, isagoo xasuusiyay in caqabadaha ugu degdegga badan ee caalamka ay lagu xallin karo oo kaliya midnimo, mas’uuliyad la wadaago, iyo go’aan wadajir ah, isagoo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ku faraxsan yihiin ka qeybgalka howlgalkaas caalamiga ah.

Previous Post

Israa’iil oo Xoojisay weerada ay ka fulinaysa gudaha dalka Lubnaan

Next Post

Kulankii Baarlamaanka oo maanta arrin layaab leh darteed u baaqday

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

June 17, 2025
Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

June 17, 2025
Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah
Warar

Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah

June 17, 2025
Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho
Warar

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

June 17, 2025
G7 oo War-murtiyeed Cusub Ka Soo Saartay Bariga Dhexe, Trump oo Shirkii Ka Baxay
Caalamka

G7 oo War-murtiyeed Cusub Ka Soo Saartay Bariga Dhexe, Trump oo Shirkii Ka Baxay

June 17, 2025
Kulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed
Warar

Kulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed

June 16, 2025
Next Post
Kulankii Baarlamaanka oo maanta arrin layaab leh darteed u baaqday

Kulankii Baarlamaanka oo maanta arrin layaab leh darteed u baaqday

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

by Ilhaan
June 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyay kulanka maalintii labaad ee Gogosha Wadatashiga Qaran oo ka...

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

by Ilhaan
June 17, 2025
0

Shirka Wadatashiga Qaranka ee uu furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa galay maalintiisii labaad, iyadoo uu shalay...

Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah

Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah

by Ilhaan
June 17, 2025
0

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) iyo Shirkadda OYAK ee dalka Turkiga ayaa maanta kala...

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

by Ilhaan
June 17, 2025
0

 Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ahna Wasiirka Deegaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Xildhibaan...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah
Warar

Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho
Warar

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
G7 oo War-murtiyeed Cusub Ka Soo Saartay Bariga Dhexe, Trump oo Shirkii Ka Baxay
Caalamka

G7 oo War-murtiyeed Cusub Ka Soo Saartay Bariga Dhexe, Trump oo Shirkii Ka Baxay

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign
English News

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

June 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray
  • Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan
  • Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah
  • Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00