Ciidamada Ahlu Sunna waljameeca ayaa ku xeray Magaaladda Dhuusamareeb Ee Xarunta Gobolka Galguduud Seddex Saxafi oo halkasi ka howlgalayay.
Wariyeyaasha Ahlu Sunna ay xirtay waxa kamid ah saxafi u shaqeeya Warbaahinta Dowladda waxana lagu Magacaabaa Maxamed Deeq Cabdi Maxamed,sido kale waxa ay Ahlu Sunna Xirtay saxafiyiinta kala ah Cabdi Jamaal Macalin Maki oo u shaqeeya Radio Barkulan iyo Wariye Bashiir Maxamed Salaad oo ka tirsan Telefishinka Horn Cable.