• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Sunday, July 13, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Soomaaliya oo Jawaab kulul ka bixisay hadalkii Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni

Dalsan Editor by Dalsan Editor
January 29, 2019
in Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni oo sheegay in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad nidaamsan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in Museveni uu iskii u hadlay oo la ogyahay in Soomaaliya ay dowlad leedahay.

Madaxweyne Museveni oo maalin kahor hadlay ayaa sheegay arrin ay Soomaali badan dhibsatay.

“Waxaa jira dalal badan oo aan lahayn dowlad. Way jiraan, balse ma haystaan hay’ad nidaamsan oo maamusha, Soomaaliya waa mid ka mid ah. Waxaa jira dalal kale balse ma sheegayo sababo diblomaasi awgeed”. Ayuu yiri Madaxweynaha Uganda.

“Macnaha dhabta ah” ee hadalka Museveni

Walow dad badan ay aad u dhibsadeen hadalka Museveni ayaa haddana dadka aqoonta u leh culluunta siyaasadda waxay qabaan fikir ah in kalmadda uu yiri Museveni aysan wax dhib ah laheyn, balse ay ku xiran tahay hadba dalka hadalkaasi lagu dhahayo xaaladda uu ku sugan yahay.

“Hadalka madaxweyne Museveni wuxuu ahaa hadal cilmiyadeysan oo ma aheyn hadal siyaasadeysan, wuxuu ka hadlay Country oo dal ah, Nation oo ummad ah iyo state oo dowlad ah oo xukuumadii dalka xukunka gaarsiin laheyd, marka Soomaaliya ayuu tusaale usoo qaatay oo waxaa uu yir dalkii Soomaaliya dowladda gacanta ugu ma jirto, oo waad arkeysa Muqdisho waxaa ilaaliya askarttii Uganda , dalkii oo dhan gacanta ugu ma jiro dowladda sida magaalooyinka Bu’aale, Hargeisa iyo meelo kale oo badan , marka lama oran karo Soomaaliya waxaa ka jira dowlad xukunkeeda uu baahsan yahay”. Waxaa sidaasi BBC u sheegay Cabdi Wahaab Sheekh Cabdisamad oo ka faalooda arrimaha geeska Afrika.

Cabdi Wahaab ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed iyo xukuumadda ba looga baahan yahay inay hantaan dalka oo ay baahiyaan xukunka.

Inkastoo BBC-da aysan garaneynin ujeedada dhabta ah ee uu madaxweyne Museveni ula jeeday hadalkaasi ayaa haddana dadka qaar waxay aaminsan yihiin in uu ahaa mid uu “ugu gefay” qaranimada Soomaaliya.

Soomaaliya miyay diblumaasi ahaan uga falcelin kartaa?

Tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa uu dalka soo maray marxalado kala duwan iyo dowlad isaga kala dambeeyay xukunka, hasayeeshee asaaskii maxaakiimta iyo dagaalkii dhexmaray iyaga iyo Itoobiya oo dhacay sannadkii 2007-da ayaa waxay beesha caalamka garatay in Soomaaliya la geeyo ciidamo nabad ilaalin ah, kuwaais oo hadda tiradoodu ay gaareyso 18 kun oo askari.

Ciidammada ugu badan ee nabad ilaalin ahaan u jooga Soomaaliya, kana tirsan AMISOM ayaa ah kuwa Uganda, waxase dad qaar ee indha-indheeya arrima Soomaaliya ay qabaan fikrad ah inta ciidamo shisheeye ay joogaan Soomaaliya, ay adagtahay in dowladda federaalka ay qaadato go’aamo madaxbanaan, oo haddii ay qaadatana ay dhici karto in uu culesy siyaasadeed uu ku keeno.

“Maya Maya kama falcelin karto dowladda, sababtoo ah Museveni wuxuu kamid ahaa wadamadi ugu horeeyay ee Soomaaliya usoo diray ciidamo nabad ilaalin ah, ilaa iyo lix kun oo ciidan ayaa ka jooga Soomaaliya, haddii ay dowladdu uga falceliso sidii Nicolas Heyso oo kale ayay buuq kale galeyso, marka ammaan ahaan dowladda kama falcelin karta”. Waxaa sidaasi BBC-da u sheegay Cabdiqaadir Dhaqane oo ka faalooda arrimaha siyaasadda.

Dhaqane ayaa sidoo kale sheegay in qaabka ugu wanaagsan ee arrinta ay ugavfalceli karto ay tahay in dowladdu ay u yeerto safiirka Uganda ee Muqdisho, kadibna ay wax ka weydiiso hadalka madaxweynahooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay dalka uga eriday ergeygii gaarka ahaa ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya oo ay ku eedeesay in uu ku xadgudbay madaxbanaanida dalka.

Previous Post

Dhageyso:-Guddoomiyaha degmada Balcad oo shaaciyay waxa sababay dagaalkii ka dhacay degmadaas

Next Post

Soomaaliya kaalintee ayey ka gashay dalalka ugu musuqa badan Caalamka?

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
Warar

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

July 13, 2025
Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
Caalamka

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

July 13, 2025
Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan
Warar

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

July 12, 2025
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya
Warar

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya

July 12, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

July 12, 2025
Next Post

Soomaaliya kaalintee ayey ka gashay dalalka ugu musuqa badan Caalamka?

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo ee dhanka Galmudug ayaa xalay fuliyay howlgal ballaaran oo lagu xoojinayo amniga magaalada. Howlgalkan ayaa waxaa...

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qaybgalay kulan lagu dhiirigelinayay doorka muhiimka ah ee haweenka Puntland ay ka...

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa caddeeyay in dalkiisu si buuxda oo aan shuruud lahayn u taageerayo mowqifka Ruushka...

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

by Ilhaan
July 12, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Najiib, ayaa sheegay in shirweynaha la filayo inuu ka qabsoomo...

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
Warar

Madaxweyne Deni: "Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac"

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
Caalamka

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan
Warar

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya
Warar

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
  • Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
  • Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
  • Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00