Ahlu-suna oo gacanta ku dhigtay Liibaan Madaxweyne oo dhaawacan.

Maleeshiyadda Maamulka Ahlu-sunna ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen  Kolonel Liibaan Maxamed Yuusuf “Liibaan Madaxweyne”, kaasi oo  hoggaaminayey Ciiddankii kula dagalaamay magaalladda Dhuusamareeb.

Muxiyaddiin Cali Jimcaale “Jakula” oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Goballadda Dhexe ayaa u xaqiijiyey Idaacadda Dalsan in gacanta lagu dhigay Liibaan Madaxweyne oo ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay Dhuusa-mareeb.

Muxiyaddiin Jakula waxa kale oo uu tilmaamay in la soo af-jaray Iska horimaadkii, isla markaana ay Maamulka Goballadda Dhexe si buuxda gacanta ugu hayaan guud ahaan Ammaanka Dhuusamareeb, isla markaana ay qabteen Maxaabiis ka tirsanaa Kooxdii la socotay Liibaan Madaxweyne.

Liibaan Maxamed Yuusuf “Liibaan Madaxweyne”, oo dhowr bilood ka hor ka soo goostay Ciiddanka Dowladda Federalka ee Goballadda Dhexe ayaa ku biiray Maamulka Ahlu-sunna ee Dhuusa-mareeb, ka hor inta uusan soo kala dhex gelin Khilaaf dhinaca Maamulka.

Sarkaalkaasi iyo Ciiddankii la socday waxay saqdii dhexe ee xalay weerar ku qaadeen Maleeshiyadda Ahlu-suna ee ku sugan Dhuusa-mareeb, wuxuuna iska horimaadkaasi soo gaaray ilaa Duhurnimadii maanta.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Ahla-sunna ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda qabtaan Shir Jaraa’id oo ay kaga hadlayaan Iska horimaadkii ay la galeen Liibaan Madaxweyne.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor