Agaasimaha guud ee HSJ G/Sare Maxamed Adan Koofi ayaa kormeer shaqo ku tagey magaalada Kismaayo ee magaala madaxda Jubbaland.
Agaasimaha oo safarkiisa uu ku wehlinayey madaxa howlaha ee HSJ ayaa la kulmey saraakiisha laanta HSJ u qaabilsan deegaanada Jubbaland, wuxuuna ka dhageystey warbixino la xariira shaqada.
Agaasimaha ayaa habeenimadii xaley aqalka madaxtooyada ku booqdey madaxweynaha Jubbaland, waxayna ka wada hadleen howlaha ballaaran ee HSJ ka heyso deegaanada Jubbaland.
Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa ku guda jirta fulinta qorshaha wajiga 3aad ee dib u howlgelinta barahii socdaalka xuduudaha dhulka iyo ballaarinta xaruumaha adeegga baasaboorka iyo Kaarka aqoonsiga.