Milliteriga Maraykanka waxay beeniyeen Qoraal uu Tuwiteerkiisa soo dhigay Ra’iisul Wasaaraha dalka Moroko, Sacadaldiin Al-cuthmaani oo uu ku sheegay inay Taliska AFRICOM ay bishan June dhoolatus Milliteri ka samayn doonaan dalka Moroko, gaar ahaan Gobalka lagu murunsan yahay ee Saxaraha Galbeed.
Ra’iisul Wasaaraha Moroko, waxa uu markii hore Twitterkiisa ka saaray Qoraalkiisa.
Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Africa ee AFRICOM ayaa hoggaamin doona Carbiskaasi oo ay ka qayb qaadan doonaan 7,000 oo Askari oo ka kala socda 9 Waddan oo Afrikaan ah.
Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Jabhadda POLASARIYA ee Galbeedka Saxaraha, Ibraahim Qaali oo 71 jir ayaa dib ugu laabtay dalka Algeria, kadib, markii uu ka soo baxay Isbitaal ku yaalla dalka Spain oo looga daaweynayey Xanuunka COVID 19.
Dowladda Moroko waxay ka crootay talalabada ay Dowladda Spain ay ugu oggolaatay Hogagamiyaha Jabhadda POLASAARIYO in lagu daaweeyo dalkooda.