Afhayeenkaasi oo lagu magacaabo jirey Suldaan Casiis Casaam waxaa la sheegay in lagu dilay duqeyn ay Maraykanka oo lala beegsaday Fariisimo ay Kooxda Daacish ku leeyihiin Gobalka Nangarhar ee Bariga dalkaasi.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi waxaa lagu sheegay in Diyaarado nooca Drones-ka ay duqeeyeen goobahaasi, iyadoo warar dhinaca Sirdoonka xaqiijiyeen in duqeyntaasi lagu dilay Afhayeenka Kooxda Daacish ee ugu qaabilsanaa Bariga dalka Afganistan.
Afhayeenkaasi ayaa la sheegay inuu sidoo kale u xil-saarnaa qorista Maleeshiyooyinka loogu talagalay inay begsadaan Shaqaalaha Dowladda Afganistan, gaar ahaan Saraakiisha sarsare.
Dhinaca kale, Kooxda Daacish weli kama aysan hadlin dilka Afhayeenkoodii u xil-saarnaa Bariga Afganistan